Soomaalaay xal ma noo yahay Federal

Aan idinla wadaago qoraalkan oo aan ciwaan uga dhigay (Fedaraal waa fitno iyo kala qob-qob Soomaalida dhexdeeda ah).

Waxa aan maalmahan Idaacadaha qabsaday dhawaq aan fiicneen kaasoo haddii aan laga gaashaaman dhiilada uu wato noo horseedi kara jahwareer kale oo ka qarro weyn diihaalkii na soo maray.

Dhawaqaas soo yeeray waa mid astaan u ah in lagu qob-qobo dalka oo awalba ahaa hilib haada loo feeray .

Xildhibaanno, siyaasiyiin, odayaal iyo dadkale oo ah kuwa dhibka u horseeday dalka ayaa wada qorshe lagu kala dhantaalayo ummadan dhibka ku soo jiray.

Haddaba, arrintan waa astaan muujineysa in la rabo Soomaalida in dhexdeeda la isku diro oo cid walba ay meel xaarato si loogu ekeesiiyo ruux hanti uu lahayn xalaal looga dhigay.

Balse Hal xaaraan ah ma foolaataa nirig xalaal ah? Jawaabtu waa Maya, waxaa sidaas la mid ah fedaraalka naloo soo waariday ee aan ab iyo isir toona aan u lahayn.

Waxaa billaabatay in la hubeyo qabiilo aan waligood ka qeyb qaadan dagaalladii ka socda dalka 23-kii sanno ee la soo dhaafay, waxaana hurdada laga soo kiciyay culimo iyo waxgarad aan raad ku yeelan innaba dagaalladii ka dhacay dalka a kuwaasoo waxa socda loo tusay in uu yahay nabaad-guur lagu hayo deegankooda.

Waxaa billaabatay in jufo-jufo la isku baheesto, waxaa billlaabatay in dadka xididka iyo xigtada ah la isku diro, waxaa billowday in la tumo gurbaankii colaada.

Ugu dambeyn, Soomaalaay haddii aan hurdada laga kicin oo laga hortagin nidaamka fedaraalka waxaa arki doonaa cawaaqibka uu noo hoorseedo.

Soomaalida ma ahan dad u bisil xilligan nidaamka fedaralka mana ahan in loo keeno nidaamkaas waayo waa dad xidid ah oo si naba aan kala maarmin meel kasta oo ay joogaan.

“Dalkii waa burburay, dadkii waa dhammaadeen, inta maanta joogtana darxumuu ku nool yahay, qaar baa hayaamoo dal shishey galay, kuwaa bada ku dhammaaday, kuwa kalena dugaaga ayey ehel la noqdeen ee Soomaalaay xal ma noo yahay sharci nooga yimid meel kale”? jawaabta idinka ayaan idiin daayey.

Soomaalaay caqliga ha shaqeeyo ee colaad waan ka daalnay yaan naloo celin tu kale oo hadhow yaan oran cidladan annays dhigay ee cidna eersan maayee.!!!

W/D: Maxamedkaafi Cali Muumin

Mohamedkafi01@gamil.com

Mogadishu| Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid