MUUNGAAB oo soo bandhigay qorshe cusub oo amniga MUQDISHO la xiriira

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Xuseen Muungaab ayaa soo jeediyay haddii la rabo in ammaanka caasimada la sugo la hoos keeno hey’addaha booliska iyo nabad sugida isla markaana wixii nabadgalyo darri lagula xisaabtamo maamulkiisa.

Muungaab ayaa gacmaha ka taagtay ammaan xumida ka taagan magaalada Muqdisho, wuxuuna u saariyay wasaaradda amniga iyo hey’adda nabad sugida qaranka sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in caasimada Muqdisho ay ku nool yihiin labo milyan iyo ber qof kuwaasoo loo baahan yahay in la sugo.

Wuxuu tilmaamay ammaanka gobalada dalka gaar ahaan deegannada ay maamulada ka dhisan yihiin, wuxuu sheegay ammaanka deegannadaas waa kuwa aad u sugan, waxaana arrintaas ay ku timid ayuu yiri maadama hey’addaha ammaanka la hoos-keenay maamulka ka dhisan deegannadaas.

Muungaab ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda aaney dhab ka ahayn ammaanka Muqdisho in la sugo, wuxuuna xusay wixii ka yimaada waxaa qaadan doonaa cidda ay quseeso.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa tilmaamay in wadashaqeen uu kala dhexeeyo hey’addaha ammaanka oo dad horey ugu dilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo gabar ardayad ahayd uu soo qabtay maamulkiisa.

“Annaga wadashaqeen ayaa nagala dhexeeya hey’addaha ammaanka sidda nabad sugida oo waxaan soo qabananay raggii dilay nin ka tirsanaa wasaaradda maaliyada iyo gabadhii ardayda ahayd ee lagu dilay suuqa Xoolaha, ma dhaheyno faraha ayaan kalaabaneynaa ammaanka caasimada balse sidda ku haboon waa in la hooskeeno maamulka gobalka Banaadir nabad sugida iyo booliska” ayuu yiri Muungaab.

Hadalka Muungaab ayaa ku soo beegmay in weli uu jirro isku tuur-tuur xagga ammaanka Muqdisho Kaddib markii dhowr jeer ay dhaceen dilal iyo qaraxyo oo qaarkood laala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Dhaca kale, waxaa dad badan oo la socda arrimahan ay lee yihiin maamulka gobalka Banaadir waxaa ka muuqda habacsanaan in uusan diyaar u ahayn ammaanka Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com