Kulamo ay la qaateen madaxda DFS iyo waftiga PUNTLAND ee ku sugan Xamar

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa shaley soo gaaray wafdi isugu jirra wasiiro iyo xildhibaanno kuwaasoo ka socda maamul gobaleedka Puntland.

Ujeedka wafdiga ka socda Puntland ee soo gaaray Muqdisho ayaa lagu sheegay in uu yahay siddii dowladda Soomaaliya ay ugala hadli lahaayeen dilalka loo geesanaayo xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta dowladda gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegannada Puntland.

Xubnahan ayaa habeenkii xaley kulamo la yeeshay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha waxaana ay kala hadleen siddii loo joojin lahaa dilalka lagu hayo mas’uuliyiinta dowladda.

Waxaa kaloo ay sheegeen in ay ka xun yihiin dilkii loo geestay xildhibaannad Saado CalI Warsame oo ka soo jeeda deegannada Puntland.

Sidda wararka ay lee yihiin wafdigan ayaa maanta iyo berri joogi doona magaalada Muqdisho, waxaana ay kulamo la qaadan doonaan guddoomiyaha golaha baarlamaanka iyo xildhibaannada ka soo jeeda deegannada Puntland.

Si kastaba, madaxweynaha Puntland oo shaley isagoo ka qeybgalayay dibad-bax looga soo horjeedo dilka xildhibaannad Saado CalI Warsame wuxuu dowladda fedaraalka ka codsaday in ay gacanta ku soo dhigto dhagar-qabayaashii dilay Saado Cali Warsame.

Wuxuu sheegay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in aysan aqbali doonin dilka Saado Cali Warsame isagoona intaas in marxuumada ay ahayd xildhibaannad mataleysay deegannada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in xiriirka Puntland iyo dowladda fedaraalka uu yahay mid wanaagsan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com