Wasaradda Warfaafinta oo leh 4 wasiir

Nairobi (Caasimada Online) – Inkastoo ay tira badan yihiin Wasiiradda DFS islamarkaana tayo-yaryihiin, ayaa waxaa hadana jira hoos udhac iyo garasho la’aan ku habsatay Wasaaradaha qaar.

Waxaa jiro wasaarado badan oo gabay howlihii loo igmaday,iyadoona ay kamid tahay Wasaarada warfaafinta Somalia oo iyadu kusoo biyo shubatay shaqo la’aan iyo booqashada hal Idaacad oo ay leeyihiin shaqsiyaad dano gaar ka leh Dowladda, kuwaasi oo il duufsaday Wasiirka Warfaafinta isla markaana ka saaray Xeen-daabka Siyaasadda.

Wasiir Mustafa waxa uu lumiyay shuruucda iyo Xeen-daabka Siyaasadda, waxa uu u jiheestay shaqooyinkii loogu tala-galay inay qabtaan shaqaalaha isaga ka hooseeyo, walow Khilaafka iyo baal-marka shuruucda Siyaasada ay ku dhisan tahay DFS ee uu iminka liijanka u haayo Xassan Sheikh Maxamuud.

Howsha baaxada weyn ee Wasaarada Warfaafinta ayaa ku biyo shubatay qabashada shirar aan tayo laheyn, Booqashada Hal ama laba Idaacad, iyadoona ay halkaasi ka kaluumeystaan 3-Seddex ruux oo iyagu dhaxal u helay boosaska ay hayaan, waxaana Muqdisho laga aaminsan yahay in Wasaarada Warfaafinta ay leedahay 4-Wasiirr uu kamid yahay Mustaf dhuxulow.

1-Mustaf Dhuxulow

2- C/xakiin Ciisa Cadow
3- C/raxmaan Yuusuf ”Al-cadaala”
4- Bahlaawi

Seddexdaasi ruux ee kor ku xusan, ayaa iyagu lunsaday Hantidii kasoo xarooneysay TV-ga, Idaacadda Dowladda, waxaana intaa usii dheer inay jabiyaan Amarada Wasiirka Warfaafinta, inkastoo taasi ay ku imaaday jil-jilicsanaan dhanka Wasiir Mustafa oo isagu aan weli wax kusoo kordhin Wasaaradiisa.

Waxaa jira is bar-bar yaac dhanka Maamulka, aqoonta, xirfada, IWM oo ka dhex taagan Xafiisada Wasaarada, Idaacada, Tv-ga waxaana intaasi hoos socda barnaamijo ku saleysan hab indha-sarcaadis ah oo ay wadaan Seddexda ruux ee kor ku qoran.

Xarumaha iyo Xafiisada Dowlada waa mid ka dhexeysa shacabka oo idil, hayeeshee waxaa dhaxal u helay Wasaarada, idaacada iyo Tv-ga 3-ruux ee aan kor kusoo xusnay oo iyagu is mooda in booska uu uga geeriyooday Aabayaashii dhalay.

Wasiir Mustafa oo aan isagu horay usoo qaban  Wasarada iminka loo dhiibay ayaa waxad mooda inuu ka qajilaayo inuu kala saaro shaqada iyo saaxiibtinimada, waxa uuna suura galiyay inuu hoosha u dhaafo shaqsiyaad.

Inta badan Xafiiska Wasiirka waxaa ku jira xili iyo goor walba Shaqsiyaadka kala ah C/xakiin Ciisa Cadow, C/raxmaan Yuusuf ”Al-cadaala”, Bahlaawi, waxaana xaqiiqo ah in shaqsiyaadkaasi aysan laheyn indha xishooda, waxa ayna Wakhtiga ku dhameystaan Xafiiska Wasiirka, taasi oo ka turjumeysaa inuu jiro qalqal dhanka shaqada wasaarada ah.

Ma aysan suura galin in Wasiirka uu kala qaad-qaado howlaha Xafiisyada si meesha looga saaro is bar-bar yaaca, waxaana muhiim ah in Mustaf dhuxulow uu sameeyo is bedel isla markaana uu shaqaalaha u sharaxo shaqooyinkooda si loo kala ilaaliyo warqadaha sirta u ah Dowladda iyo shaqsiyaadka dhiig miiratada ah.

Waxaa muuqaneysa in Wasaarada warfaafinta ay leedahay 4-Afar wasiir oo uu ku jiro Mustaf dhuxulow, waxaana loo baahan yahay in wasiirka 1-Koowaad oo ah Mustaf uu kala saaro howlaha loo igmaday iyo tan ay maamulanayaan shaqsiyaadkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Kenya

caasimada@live.com