Warbixin: Isxulufeysiga ka jira shirka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib markii uu kasoo duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, waxaana safarkiisa kamid ah wasiiro ka tirsan maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa marka laga soo tago shirka uu Muqdisho kaga qeyb galayo waxyaabaha u qarsoon waxaa kamid ah inuu shirka Geeyo danaha Puntland iyo fikrada shaqsi ahaaneed uu ka qabo nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhaceyso sanadka 2016.

C/welli Gaas, wuxuu marar badan si cad u sheegay inuu doonayo in Doorasho Xalaal ah ka dhacdo dalka Soomaaliya, isagoo taasi ku durayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, oo uu diidan yahay in markale xilka uu qabto.

Fikrada  C/welli Gaas waxaa taageersan oo la safan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dhankiisa qorshe siyaasadeed wata, laakiin Xasan Sheikh Maxamuud ayaa taageero ka heysto Madaxweynaha Galmudug C/karin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale Taageero aan la isku haleyn karin ayuu ka heystaa madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan oo siyaasadiisa tahay mid aan si wanaagsan loo fahmi karin.

Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana ay ka qeyb galayaan shirka looga tashanayo hiigsiga sanadka 2016.

La soco waxii kasoo baxaa shirka Maanta Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com