Xog: 4 arrin oo xasaasi ah oo la isku hayo shirka MUQDISHO ka furmaya ee DFS iyo maamullada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii koowaad ee Madasha Wadatashiga Qaran ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqidsho iyadoo ay magaalada soo gaareen madaxda maamulada dalka ka jira, waxaana shirkan oo muhiimad gaara leh looga hadlayaa sidii doorasholoo garsiin lahaa dalka.

Shirka ayaa noqonaya wada-tashigii ugu horeeyay ee laga yeesho arrimaah doorashooyinka oo aan weli la go’aamin qaabka loo qaban doono. Waxaa shirka markii ugu horeysay ka qeyb galaya gudoomiyaasha goballada Banaadir, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Waxaa dhowaan la sameeyay guddi howleed ay yeelaneyso Madasha oo kooban 11 qof, waxaana qodobada shirka maantaka furmaya Muqdisho looga doodayo ka mida:

Xoghayaha ayaa ugu dambeyn waxaa uu soo qaatay Afar nooc oo hadda doodad doorashada taagan lana rabo in mid la qaatto, Afarytaas waxaa ku sheegay:

1 – In Baarlamaan heer degmo laga bilaabayo doorashada
2 – In Baarlamaan Heer Gobol laga bilaabayo
3 – In la qaadanayo qaabkii hore ee 4.5 iyo odayaashii beelaha
4 – In la isku dhafayo doorasho heer gobol, degmo iyo 4.5

Arrimahan oo dhan waxay bilow u yihiin qaabka Soomaaliya ku gaareyso hiigsiga cusub, iyadoo hogaamiyeyaasha kala duwan ay aad ugu kala feker duwan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com