XASAN oo galaya socdaal dhaqaale uruursi ah.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in Asbuuca soo socda uu booqasho ku gaari doono dalka Sacuudi carabiya.

Ilo ku dhow dhow Madaxweyne Xassan ayaa xaqiijiyay in socdaalka Madaxweynaha uu la xiriiro baadi goobka dhaqaale ay dowladaasi ku taakuleyso Somalia.

Madaxweyne Xassan ayaa casuumad rasmi ah ka helay Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis, waxaana kamid noqon doono qodobada ay kawada hadli doonaan taageerida Somalia, Siyaasada, dhaqaalaha iyo in Boqortooyada Sacuudiga ay il gaar ah ku eegto Somalia oo iminka galeysa marxalad kala guur ah.

Ujeedka ugu weyn socdaalka Madaxweyne Xassan uu ku gaari doono Sacuudiga ayaa ah in Dowladaasi aanu walaalaha nahay ka qeybqaadato dadaalada ay Dowladaha dhigeeda ah ku bixinayaan mushaaraadka shaqaalah DF Somalia, gaar ahaan Ciidamada xarbiga ugu jira dib usoo celinta nabada Somalia.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa Dowlada Sacuudiga kala hadli doono xaalada Ciidamada Somalia ee iminka kamidka noqday Isbaheysiga Sacuudiga kuna sugan Magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Dhanka kale, Booqashadaani ayaa waxa ay daba soctaa dadaalka ay Dowlada Imaaraadka carabta ku taabagalineyso Ciidamada Somalia, islamarkaana ballanqaaday bixinta Mushaaraadka ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com