Itoobiya iyo Axmed Madoobe oo ka shiray arimaha DP WORLD

Nairobi (Caasimada Online ): Saraakiil ka tirsan doowladda Itoobiya oo uu hoggaaminaayo Jeneraal Gabre ayaa kulamo gooni gooni ah oo qarsoodi ah toddobaadkan Nairobi kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedyada Soomaaliya.

Kulamada ayaa inta badan diiradda lagu saaraayay sidii maamul goboleedyada ay uga hor imaan lahaayeen qorshaha dowladda dhexe ay ku joojisay heshiiskii DP World iyo Itoobiya ee dekadda Barbara.

Wararka qarsoodiga ah ee laga helay kulamadan ayaa sheegaya in Gabre iyo Axmed Madoobe ay si gaar ah uga wada hadleen sidii Itoobiya ay u taageeri lahayd maamulkiisa, xilli sanadka dambe doorasho ka dhici doonto Jubbaland.

Gabre ayaa la sheegay in uu u ballan qaaday Axmed Madoobe in uu ka caawin doono sidii loo cirib tiri lahaa mucaaradka maamulkiisa oo lala macaamili doono sida ONLF, taa beddelkeedana Jubbaland ay qeyb ka qaadato cadaadiska la saaraayo dowladda dhexe.

Dhammaan kulamadan ayaa muujinaya sida ay Itoobiya muhimad u siineyso in dowladda dhexe cadaadis ay ka dareento dhanka maamul goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com