Xildhibaanoow xaal qaado! ‘’Maxaa la iiga farxaa! Berri ayaan lumiye’’!

Muqdisho (Caasimada Online)-Sanad kadib doorashadii dadbaneed ee Barlamaanka 10 aad ayaa laga filayey in uu gaaray bisayl iyo qaangaar Siyaasadeed kadib markii uu dhaxlay waaya aragnimo 9 Barlamaan in ka badan 60 sano laga soo bilaabo 1956 ilaa 2018, xilligaas oo gudoomiye Jawaari kasoo bilaabay dawladda Agaasime ilaa Gudoomiye Barlamaan.

Abwaan Cadbdi Shire ayaa Barlamaankii 9 aad u tiriyey hees cinwaankeedu ahaa “Xildhibaanow xaal qaado” anigana xaal ayaan ka bixiyey qoraalkii habeen hore aan ku sheegay in Barlamaanka 10-aad ka fiicanyahay kuwii ka horeeyey. Laakin Maah maah Carbeed ayaa aheyd “ilmihii aabihiis u ekaada danbi ma gelin”.

Dadka Somaaliyeed ee u riyaaqay furitaanka kalfadhiga 3 aad iyo qorshaha qaran ee la soo bandhigay, Qaraarkii taariikhiga ahaa ee Xukuumada iyo Barlamaanku ka gaaren DP World, heshiiskii dawladda Federaalka iyo dawlad gobaleedyada iyo shirka Baydhabo loo balansanyahay 28 bishaan, qodobadaas oo muujiyey yedidiilo Siyaasadeed iyo Rajo mustaqbal Somaliyeed ayaa nasiib darro shalay lagu waa bariistay Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Barlamaanka oo galab-nimadii la sheegay in uu Saqiiray, hadana Subaxaan la sheegay in uu noolyahay, kuwa kalena ku jiraan jeebabka Xildhibaanada, arrintaas oo dilaysa kalsoonidii lagu qabay Barlamaanka iyo rajadii laga qabay dalka iyo dawladu in ay horey u socdaan.

Su’aashu waxa ay tahay maxaa xilligaan keenay Mooshinada kala duwan ee Barlamaanka? Maxaase ka maqan Xildhibaanada oo ay ka rabaan Mooshinada Madaxda?

1-Mooshinada iyo is bedelada waxaa laga sameeyaa dhaqaale, waxaana la kala kacsadaa kuraasta.

2-Mooshinada waxaa lagu muujiyaa awooda Barlamaanka iyo joogteynta cabsi gelinta madaxda.

3-Baqdin Barlamaanka in awooda ay ka qaataan golaha amniga qaranka ama madasha madaxda Federaalka iyo Gobalada.

4-Ciyaarta Mooshinka oo u baahan Garoon iyo Cayaartoy sida; garoonka khilaafka madaxda ugu sareysa balse sanadkaan laga quustay khilaaf Madaxweynaha iyo R/wasaaraha. Laakin waxaa muuqata in lagu guuleystay khilaafka Guddoonka Barlamaanka oo u sahlaya ciyaarta Xildhibaanada.

Hadii aad wareysato Xildhibaanada iyo Madaxda waxa kala haysta oo ay Mooshin ku muteysteen waxey kuu sheegayaan:

Qaabilaad ayaa la ii diiday, Telefon ayaa la iga qaban waayey, Xubin guddi ayaa la iga reebay, Lacag ka baxsan mushaarka ayaa la ii diiday, Kursi aan xaq u lahaa ama aan mudnaa ayaa qof kale la siiyey, Beesheyda ayaa la dulmiyey iwm. Waxaana muuqata in dadka Somaliyeed ay ka hor mareen Xildhibaanadii hoggaaminayey, ayna ka sugayaan arrimo waaweyn oo qaran halka ay ku mashquulsan-yihiin dano yar yar.

Hadaba waxaa Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Gudoomiya Aqalka Sare la gudboon in ay deg deg u fidiyaan gogol nabadeed oo lagu heshiisiinayo Goddoonka Golaha Shacabka iyo xubnaha Barlamaanka inta uusan daadka Mooshinadu soo gaarin “Balaayo madax la qabto ayey leedahay ee ma laha majo la qabto”.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com