Haegeysa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Itoobiya iyo maamulka Somaliland oo mar kale qaaday tallaabo culus oo la xiriirta Badda Cas, kadib kulan xasaasi ah oo ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo dhowaan booqasho ku tegay dalkaas ayaa kulan gaar ah la yeeshay diblumaasiyiinta safaaradda Itoobiya ee waddanka Jabuuti, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo ku aadan Badda Cas.
Kulanka oo si gaar ah u dhex-maray Madaxweyne Cirro iyo Danjire ku xigeenka Itoobiya u fadhiya Jabuuti, Kebede Abera Ido ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay kamid yihiin amniga Badda Cas iyo marinada ganacsiga.
Labada dhinac ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Hageysa iyo Addis Ababa.
Danjire Kebede Abera Ido oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay xoojinayaan xiriirka diblumaasiyadeed ee haatan kala dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya gaar ahaan iskaashiga amniga iyo ganacsiga, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah labada dhinac.
Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u tahay inay adkeyso iskaashiga kala dhexeeya Itoobiya oo ay wadaagaan dano gaar ah iyo xuduud dheer.
Itoobiya ayaa horay Somaliland ula gashay heshiis muran badan dhaliyay oo ku aadan Badda, kaas oo horraantii sanadkii hore wada saxiixeen Muuse Biixi iyo Ra’iisul wasaare Abiy Axme, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka, inkastoo markii dambe labada dal ay ka heshiiyeen kadib khilaaf dheer oo u dhexeeyay muddo sanad ah.
Si kastaba ha’ahaatee, Dowladda Itoobiya ayaa muddo dheer raadineysa Bad ay hesho, si ay ugu soo marto badeecada uga timaada dalalka caalamka, waxaana muddooyinkan ay xoojineysay dadaalladeeda ku aadan helinta marin biyood ay ka hesho gudaha Soomaaliya.
Somaliland ayaa dhankeeda raadineysa ictiraaf, si ay hesho aqoonsi iyada oo bixisay dadaal ku aadan gobolka iyo guud ahaan caalamka, balse illaa hadda ma gaarin wax natiijo ah.