26.1 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Itoobiya oo dib u habeyn ku samaynaysa siyaasadeeda arrimaha dibadda (Aqri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay dib u qaabayn ku samaynayso siyaasadeeda arrimaha dibadda.

Siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa isataraatajiyada ay ku hawlgalayso waxa la dejiyay sannadkii 2002, waxaanay hadda wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya sheegtay inay dib u habayn iyo qaabayn ku samaynayso qaabkii ay ku shaqaynaysay siyasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Meles Alem, ayaa wakaaladda wararka ee Itoobiya toddobaadkan u sheegay in dib u eegis lagu samaynayo jidkaas ay ku socotay siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya 16-ka sannadood, waxaanu sheegay in dib u qaabayntan siyaasadda khaarajiga Itoobiya lagu salayn doono xaaladaha caalamka ee maanta iyo xaaladda gudaha Itoobiya ee wakhtigan.

Siyaasadaas arrimaha dibadda ee Itoobiya ee la dejiyay sannadkii 2002, ayaa waxa ay ku qaabaysnayd oo ku shaqaynaysay ilaalinta ammaanka qaranka Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News