Warbixinta kooxda QM oo shaacisay hal arrin oo ay Puntland uga adkaatay Somaliland (Faah-faahin)

Hargeysa (Caasimada Online) – Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabataynta hubka ee Ereteriya iyo Soomaaliya ee UN Monitoring Group, ayaa toddobaadkan soo bandhigay warbixintoodii sannadlaha ahayd, oo arrimo badan looga hadlay.

Waxa warbixintan ka muuqata inuu maamulka Puntland kaga dheereeyay dawladda Somaliland faafinta dacaayadka ka dhanka ah Somaliland, halka ay kooxdu Somaliland ka weyday wax jawaab ah oo ku saabsan dacaayada Puntland.

UN Monitoring Group, waxa qayb ka mid ah warbixinteeda ay kaga hadleen dagaaladii ka dhacay Tuko-raq, waxaanay sheegeen in Somaliland ay qabatay 14 ka mid ah maleeshiyaadka Puntland, halka ay Puntland qabatay 3 askari oo Somaliland ah.

“7 ka mid ah askartaas Puntland waxa lagu daweeyay Hargeysa, halka toddobada soo hadhayna loo dhaadhiciyay xabsiga Hargeysa, sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland, qoyaskooda ayaa loo ogolaaday inay arkaan.” Ayay tiri warbixintu.

Laakiin waxay kooxdu sheegtay inay heshay warbixino sheegaya  in la jir dilay askar Puntland ah oo ay dileen ciidamad Somaliland 24 May 2018, “Iyagoo kaga aarsanaya dilka taliye Somaliland ah.” Ayay tidhi warbixintu.

Koxoda ayaa iyadoo sheegaysa inay ka weyday Somaliland wax jawaab ah oo ku saabsan eedayntan waxay tiri, “Markii aanu qoraynay, UN Monitoring wax jawaab ah kamay helin taar ay u dirtay Somaliland 6 September 2018,”, taarka ayaa ku saabsanaa inay Somaliland ka jawaabto eeddaas Puntland.

Ayada oo ay jirtay in askarta Somaliland ka qabatay Puntland ay ka badneyd midda laga qabtay, ayaa haddana waxaa warbaahinta ku badnaa in Puntland mar walba sheegeysa inay askar badan ka qabatay Somaliland, waxaana warbixinta QM muujineysaa sida Puntland ay dagaalka dacaayadda kaga adkaaday Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com