Siyaasadii arrimaha dibeda Soomaaliya oo la afduubtay

Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa markale ku dhiiratay in ay faraha la gasho kiiska warihii sida arxan daradda ah ay Sucuudigu ugu dileen qunsuliyadda ay ku leedahay Istanbul.

Hore ayey ahayd markii ay bulshada Soomaaliyeed dhabanno hays ku noqotay bayaankii ay Wasaaradda Khaarajigu ku garab istaagtay Sucuudiga iyada oo ku lumisay ixtiraamkii ay dowladda Turkiga u haysay Somalia.

Hase ahaatee, xilli loo baahnaa in la saxo qaladkii hore, ayey haddana dowladda markale dhiiqo iyo siyaasad arrimo dibadeed aan jid iyo jiho lahayn ku dhaqaaqaday!

Qoraalka wasaaradda ayaa yimid maalin kadib markii sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ay xaqiijiyeen inuu Maxamed Bin Salmaan amray dilka Sacuudiga, taasi oo meesha ka saartay sheegashadii Sacuudiga ee ahayd inuusan waxba ka ogeyn.

Isla subaxii xigayna waxaa soo baxay warka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Intii ay Soomaaliya cambaareyn lahayd Sacuudiga waxay sheekada u leexisay mala’waalka Riyadh ee ah in dad aan amar ka qaadan Bin Salmaan ay dilka fuliyeen.

Hadaba sawir ceynkee ah ayuu hab dhaqankaas ka bixinayaa dowladda?

Caadiyan, dowladda meelaaha laga eego in ay gudo ballaarantay waxaa ka mid ah sida ay u maareyso daneheeda qaran ‘National Interest” yeelkeede, waxaa su’aal ah, dan qaran oo sidee ah ayaa dowladda ugu jirta in loo dhaanteeyo dowlad kale? Waliba loogu darnaado dal xiiir sokeeyo kaala dhexeeyo?

Marka aad si fog u daristo tallaabooyinka ay Wasaaradda Arrimaha dibedda qaadeyso, waxaa kuu soo baxaysa in koox aan qayyim (Values) iyo fogaan arag (Vision) lahayn.

Taas waxaa kuu caddeysa, in ay la yaab tahay in dowladda oo dhan laga waayey qof ku dhiiradda oo Wasaaradda Arrimaha dibedda qabta, oo ka hor-tagga qoraalada aan loo meel dayin ee kasoo baxaya.

Dowladda waxay ka mid tahay dowlado kooban oo ku shaqaaeya kaash, oo wixii la doono la marsado. Waxaa taas daliil u ah markaad u fiirsato qoraaladeeda waxay kusoo aadaan marka xaalad adag ay Sacuudiga haysto, oo ay raadinayaan taageero noocee doontaba ha noqotee.

Waxaa jirta xan sheegeysa in Sucuudiga uu gumeysi iyo afduub siyaasadeed ku sameeyey siyaasaddii arrimaha dibedda Soomaaliya, oo uu siduu doono u isticmaalayo, isaga oo adeegsanaya kaash iyo “waxaan idinka celineynaa Imaaraadka” oo faro kulul ku haya dowladda.

Tuhunkaas waxaa xaqiijiya booqashadii uu Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ku tegay dalkaas, oo sida aan horey u sheegnay dhalisay inuu ka aamuso xafladdii furitaanka dekedda Berbera ee DP World, kadib lacag uu soo qaatay

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid