Xasan oo billaabaya safaro uu maamul goboleedyada ku tegayo + Qorshehiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa la filayaa in uu berry billaabo safaro uu ku tagayo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Gelinka dambe ee maanta ayaa waxaa magalada Kismaayo tegi doona wafdi horudhac u ah safarkiisa oo isugu jira xildhibaano ka tirsan labada aqal kana mid ah xisbigiisa UPD.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu beri ku tagayo Kismaayo ayaa la sheegay in uu bilaaw u yahay safari kale uu ku tegi doono xarumaha maamul goboleedyada dalka ka jira.

Booqashadaan ayaa ku soo aadeysa xilli khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaana maamulka jubbaland uu yahay maamulkii ugu horeeyay ee dhisma xilligii madaxweyne uu  dalka ka ahaa Xasan Sheekh.

Sida aan xogta ku heleyno safarka Xasan Sheekh ayaa qeyb ka ah ololihiisa dib u doorasho, waxaana uu raadinayaa taageerada madax maamul goboleedyada, oo qaarkood kaalin ku lahaan doona soo xulista xildhibaanada cusub, haddii ay xukunka sii hayaan.

Xasan Sheekh oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, ayaa aas-aasay xisbi uu guddoomiye ka yahay oo lagu magacaabo UPD, isaga oo doonaya inuu xukunka kusoo noqdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com