Yaa iska leh xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho?

Waxaan u muuqanaa bulsho waaqicii ka lumay oo aan cabiri karin maxaa dhaliil ah maxaase dan ah, waxaan sidaa u iri waxaan arkay shalay dad madaxweyne Farmaajo ku eedeynaa sababta uu safiir ajinabi ah ugu qaabilay xarunta Xalane oo ku taala Muqdisho.

Qofka sidaas hadalka u dhigaya wuxuu Xalane ka jaray dhulkii Soomaaliya laakiin isma oga. Waa badan yihiin dadka isku dayaya iney Xalane ka dhigaan wadan kale oo aaney Soomaali laheyn ama ka talin balse ma fahmin danta arrintaas ugu jirta.

Soomaali ahaan waxaa noqonay dad ay ajaanibtu micno gooni ah ugu fadhiyaan waxaana had iyo jeer buun buuninaa meesha la fariisiyay, cuntada la siiyay, sida loo salaamay ,dharka la xirtay markii la qaabilayay iwm.

Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliya ,isaga ayaana ka taliya Xalane iyo Villa Soomaaliya labadaba waxaana uu qaabilaad ku sameyn karaa meel walba oo wadanka ka mid ah, anigu waxaanba kula talin laha inuu bilaabo inuu dadka ku qaabilo Balcad ,Afgooye iyo xitaa KM4 guri kuyaala.

Xalane kama amni badna Villa Soomaaliya, waxaase ii muuqata inuu madaxweynuhu sharfaayo safiirka cusub ee USA. Qofkii aad rabto inaad xushmad u muujiso adiga ayaa yaqaana waxa aad u sameyneyso.

Waxaan u baahanahay bulsho ahaan inaan la qabsano baahinta doodaha dhaxal galka ah, tusaale intii aan waqti ku bixin laheyn meesha safiirka lagu qaabilay waxaa ka muhiimsan inaan ka doodno muxuu safiirkan cusub ee USA kusoo kordhin karaa geedi socodka Soomaaliya iyo muxuu kaga duwan yahay safiirkii hore.

Bulshadeenu waxey u baahan tahay wacyi galin badan.

W/Q: Mohamed Osman
Falanqeeye Siyaasadeed
London-UK