Itoobiya oo jabhada Oromada ku eedeysay dilka 50 qof

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu dilay gobolka Oromada ee dalka Itoobiya bishan kadib weerar ay qaadeen jabhad la mamnuucay ee Oromo Liberation Army (OLA) sida uu Arbacadii sheegay guddiga xuquuqul insaanka ee dowladdu magacawday.

Oromada ayaa ah halka ay ku nool yihiin qoowmiyadda ugu badan ee dalka Itoobiya, waxaana sannado badan ka dhacayay rabshado, kuwaas oo salka ku hayay saluug siyaasadeed iyo dayac ay dowladda dhexe ka tabanayeen.

Dilalka dhacay 2-dii Febraayo ayaa inta badan lala beegsaday dad barakacayaal ah oo ku sugnaa magaalada Ano oo qiyaastii 380 km (235 mayl) dhanka galbeed ka xigta caasimadda Addis Ababa, sida ay warbixin ku sheegeen guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya ee (EHRC).

Warbixinta oo soo xiganaysa qoysaska dadka dhintay, goob-joogeyaal iyo hay’ado dawladeed, ayaa ku eedaysay weerarkan ciidanka Xoraynta Oromada (OLA), iyadoo aan la sheegin sababta ka dambeysay weerarkan.

OLA kama aysan jawaabin codsi ahaa inay ka hadasho eedeynta loo jeediyay.

Afhayeenka dawladda Itoobiya Legesse Tulu ayaan sidoo kale ka jawaabin codsi kaas la mid ahaa.

OLA waa koox sharci darro ah oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Oromada, oo ah xisbi mucaarad ah oo horay looga mamnuucay dalka, isla markaana dibad joog aheyd, laakiin dalka kusoo noqotay kadib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu xilka qabtay 2018-kii.

VOA + Reuters.