Tirada Shabaabkii lagu dilay dagaalkii Mudug oo gaartay…

Wisil (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa war ka soo saaray dagaal culus oo shalay ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, kaas oo lagu laayey kooxda Al-Shabaab.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu shaaciyey in 75 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaal ka dhacay degaanka Qeycad ee gobolka Mudug.

Warkaan waxaa lagu cadeeyey in weerarka ay qaadeen ciidanka xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga is abaabulay ee deegaanka, isla markaana deegaano badan looga xoreeyey Al-Shabaab.

Sidoo kale Galmudug ayaa xustay in kooxda la duqeeyey oo diyaaradaha dagaalka ay ka qeyb qaateen duulaanka lagu qaaday kooxda, isla markaana laga furtay hub aad u badan.

“Ciidamada huwanta ah ayaa hormar weyn ka sameeyey dagaalka lagu soo afjarayo Khawaarijta ku dhuumaaleysaneysa howdka koonfureed ee gobolka Mudug,” ayaa lagu yiri warkaan caawa ka soo baxay wasaaradda amniga Galmudug.

Ugu dambeyntii Galmudug ayaa saaxiibada caalamka uga mahad celisay sida ay ugu garab siiyeen dagaalkaan khasaaraha badan lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Waxaa lasoo bandhigay meydadka Shabaab aad u badan oo lagu dilay Qeycad ilaa Bacaadweyn, sidoo kale saraakiisha ciidamada ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay Al-Shabaab ka xoreeyeen Qeycad, Bacaadweyn iyo deegaano kale.

Dhulkaan oo howd ah, ayaa la sheegay in kooxda Al-Shaabaab ay ku leedahay dhufeysyo waaweyn, taas oo suurtagal ka dhigtay in ay ka sii dagaalamaan maalmo badan.

Hoos ka eeg bayaanka Galmudug