55 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay koonfurta Mudug

Xarardheere (Caasimada Online) – Galmdug ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay dagaal iyo duqeymo Arbacadii ka dhacay deegaanka Qaycad ee koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo lagu qaaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Wisil Cabdigaraad Cumar Maxamed oo la hadlay VOA ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo saaxibada caalamiga ah khasaare culus lagu gaasiiyay kooxda Al-Shabaab.

Cabdigaraad Cumar ayaa sheegay in ugu yaraan 55 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal looga dilay Al-Shabaab dagaalkaas iyo duqeynta xigtay.

“Khawaarijta wuxuu u geystay khasaare fara badan illaa 55 Dhagarqabayaal ah oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa looga dilay,” guddoomiye Cabdi Garaad Cumar Maxamed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada huwanta ay Al-Shabaab kasoo furteen hub iyo saanad ciidan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in goobaha lagu dagaalamay laga saaray Al-Shabaab, isa-markaana ay haatan ku sugan yihiin ciidamada huwanta.

“Sidaas oo kale waxaa laga furtay hub aad u fara badan qoryo BKM, Sabab iyo AK74, sidaas si lamid ah goobihiina waa laga saaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhankooda waxa uu hoosta ka xariiqay in ay jiraan ill 4 askari oo ay dhaawacyo kasoo gaareen dagaalka ka dhacay halkaasi.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka degmada Wisil ayaa xusay in Galmudug ay sii wadeyso gulufka dagaal ee haatan ka socda deegaanada maamulkaasi.

Gobollada Galgaduud iy Mudug oo ay haatan ka socdaan dhaq-dhaqaaqyada ayaa waxaa Al-Shabaab looga qabsaday dhul aad u ballaaran oo ay ku jiraan magaalooyin muhiim ah.