R/Wasaare Xamza oo guddi u magacaabay TURKIGA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay magacaabay guddi Qaran oo loo xilsaaray gurmadka Dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga.

“Ra’iisul Wasaare Xamza oo garoowsan sida Turkigu ay ugu soo gurmadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xilligii adkaa, ayaa go’aamiyey in maanta aysan ka harin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed garab istaagga caalamiga ah ee loo fidinayo dalka Turkiga oo ay ku habsatay musiibo ballaaran,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska R/Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa bayaankaan ku cadeeyey in magacaabidda guddigaan uu kala tashaday Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddi ka kooban 11-xubnood oo isugu jira wasiirro, culimo iyo aqoonyahano Soomaaliyeed ayuu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaas oo kala ah:

  1. Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka — Mudane Xasan Macallin Maxamuud
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta — Mudane Axmed Macallin Fiqi
  3. Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare — Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir
  4. Sheekh Bashiir Axmed Salaad
  5. Sheekh Cabdulqaadir Soomow
  6. Suldaan Cabdiqani Qorane
  7. Cumar Xasan Maxamed
  8. Axmed Maxamuud Yuusuf
  9. Axmed Shirwac Maxamed
  10. Duniya Maxamed Cali
  11. Prof. Xuseen limaan.