Midowga Afrika oo xil cusub u magacaabay Uhuru Kenyatta

Nairobi (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa xil cusub u magacaabay madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, kaasi oo ah hogaaminta kor-joogtadda doorashada guud ee dhawaan ka dhici doonta dalka Nigeria.

Uhuru ayaa kor-joogteyn doona doorashadaasi oo dadka reer Nigeria ay u dareeri doonaan goobaha cod bixinta sida uu qorshaha uu yahay 25-ka bishaan Febraayo.

Sidoo kale waxa ergada goobjoogayaasha kamid noqon doona wakiilo ka socda hay’adaha doorashada ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, bulshada rayidka ah, khubaro madax-banaan iyo qaybaha AU.

Arrimahan ayaa dhabaha u xaaraya in si sax ah oo dhex-dhexaad ah loo qiimeeyo habka doorashada iyo soo jeedinta talooyinka hagaajinta doorashooyinka mustaqbalka ee ku saleysan natiijooyinka soo baxa.

Waxaa la filaya in arrintaan ay sidoo kale muujiso wada-jirka iyo taageerada Midowga Afrika ee ku aaddan xoojinta dimuqraadiyadda, nabadda, xasiloonida iyo horumarka.

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa daba-yaaqadii sanadkii hore waxa uu sidan oo kale madaxweynaha Kenya William Ruto ugu magacaabay xilka ergeyga nabadda ee gobolka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo gobolka Great Lakes.

Ruto ayaa xiligaas waxa uu sheegay inuu Uhuru Kenyatta weydiistay in uu sii wado inuu u ololeeyo hindisaha nabadda gobolka, uuna ka aqbalay, sida uu sheegay.

“Waxaan weydiistay walaalkey iga weyn madaxweyne Uhuru Kenyatta oo horey shaqo wanaagsan uga qabtay gobolladaas inuu sii wado wada-xaajoodyada isaga oo matalaya Kenya. Waxaa iga go’an in dowladda Kenya ay taageerto hindisooyinkaas, waxaana hoggaamin doonaa madaxweyne Kenyatta, waxaana doonayaa inaan uga mahad-celiyo inuu ogolaaday inuu na taageero igana caawiyo howlahaas.”