Qorshe ay Shabaab ku kala jirayeen Galgaduud iyo Sh/Dhexe oo maanta fashilmay

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Dadka is abaabulay ee deegaanka oo taageero ka helaya ciidanka dowladda ayaa maanta kooxda Al-Shabaab kula dagaalamay deegaano hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dagaaalkaas ayaa yimid kadib markii ay dadka deegaanku ka war heleen in Al-Shabaab ka soo talaabay dhanka galbeed ee webiga Shabeelle ay u gudbayaan deegaanada dhaca bariga wabiga Shabeelle ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo markii hore ka dhex-qarxay dadka reer Miyiga ah ee hubka qaatay iyo kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa dib uga biiray ciidanka xoogga dalka oo ka baxay degmada Jalalaqsi, waxaana halkaas maanta ka dhacay dagaal aad u culus.

Guddoomiyaha degmada Maxaas ayaa Idacadda VOA u sheegay inay dagaal culus maanta la galeen kooxda, isla markaana deegaanadii lagu dagaalamay ay ka xoreeyeen oo hadda ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka.

Deegaanada Inji iyo Afcad ayaa sidoo kale maanta dagaallada ugu culus ay ku dhex-mareen ciidanka dib u xoreynta deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab, ugu yaraan todoba qof oo dad shacab ah ay ku jiraan ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalkaas.

Sarkaal lagu magacaabo Bashiir Mukhtaar oo ka tirsan qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta u sheegay inay ka hortageen Shabaab-kii doonayey inay wabiga ka soo talaabaan.

“Waxay doonayeen inay wabiga dhinaca bari uga soo gudbaan, laakiin waan ka hortagnay, si adag ayaan isaga difaacnay, dagaal culus kadibna halkii ay ka yimaadeen ayey dib ugu laabteen,” ayuu yiri Bashiir.

Mar la weydiiyey sababta ay dhinaca bari ee wabiga ay uga soo gudbayaan, maadaama dhinaca galbeed ay ka xigaan, ayuu sheegay in kooxdu ay dooneyso inay galaan howda u dhaxeeya gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe, halkaas oo ay aaminsan yihiin inay mudo ka dagaalami karaan, balse wuxuu sheegay inay u diidan yihiin inay ka soo talaabaan wabiga.

Deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan ayaa mar hore laga xoreeyey Al-Shabaab, gobolkaas waxaa kala bara wabiga Shabeelle, waxayna kooxdu joogtaa deegaanada dhaca galbeedka wabiga Shabeelle, halkaas oo weli wax howlgallo ah aysan ka bilaaban.

Dagaalka ugu culus ayaa hadda Al-Shabaab uga socda koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay tobanaan Shabaab ah lagu dilay, kuwaas oo meydadkooda lasoo bandhigay, sidoo kale deegaano badan oo Mudug ay ka joogeen ayaa laga xoreeyey Al-Shabaab.