Qarax dhimasho iyo dhaawac oo leh ka dhacay Puntland iyo Shabaab oo sheegatay

Boosaaso (Caasimada Online) – Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaas oo waxyeelo u geystay dad isugu jira askar iyo shacab.

Mas’uuliyadda qaraxan waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna qaraxu ka dhacay goob maqaayad ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka shan askari iyo laba qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen, sida ay goobjoogayaashu noo xaqiijiyeen.

Qofka ku geeriyooday qaraxaas ayaa ahaa haweeneydii maqaayadda laheyd, halkaas waxaa ku sugnaa askar badan, waxaana dhaawacmay ugu yaraan shan askari oo ciidanka Puntland ka tirsan iyo laba qof oo shacab ah.

Qaraxa ayaa la sheegay lagu sii diyaariyey maqaayadda, saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in isla maqaayadaas gudaheeda maanta laga soo saaray qarax kale.

Qaraxa laga soo saaray maqaayadda ayaa ku aasnaa dhulka, balse midka qarxay ee khasaaraha geystay ayaa lagu diyaariyey meel kore, taasi waxay sababtay in la arki waayo intii uu baaritaanku socday oo markii dambe ay miinadaasi dadka ku qaraxdo.

Saqafka kore ee maqaayadda ayaa la saaray qaraxa, wuxuuna galaaftay nolosha haweeneydii maqaayadda laheyd, iyadoo todoba qof oo kale oo shan askar tahay lagu dabiibayo goobaha caafimaadka ee magaalada Boosaaso.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, maqaayadda la qarxiyey ayaa waxaa aad u fariisa jiray oo Shaaha ka cabi jiray ciidamada ammaanka Puntland oo meel u dhow maqaayadda saldhig ku leh.