Golaha Siyaasadda Beesha Mudullood oo go’aan kasoo saaray xilal ay beesha heshay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay maanta 15/2/2023 ay isagu yimaadeen Golaha Siyaasadda iyo Horuumarinta Beesha Mudulood oo ka dhacay Muqdisho ayaa laga soo saaray go’aan la xiriira awood qeybsiga beesha.

Golaha ayaa soo jeediyey in xubno shaqaale Aqalka Sare ah oo beesha kusoo aaday la siiyo jufooyinka beesha ee aan laheyn xildhibaanada iyo Senator-ada, kuwaas oo kala ah; Maxamed Mudullood, Ilaawaay iyo Wacweeyteen.

Qoraal kasoo baxay golaha ayaa lagu yiri “Iyada oo la tixgalinayo cadaaladda bulshada ee ku dhisan wax qeybsiga xilalka, in xubnaha qeyb ahaan Soomaalida uga soo aaday beesha Mudullood ee shaqaalaha sare, in la siiyo aqoonyahanada beelaha Mudullood ee aan xildhibaanada laheyn kuwaa oo kala ah: Maxamed Mudullood, Ilaawaay iyo Wacweeyteen.”

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in go’aanka uu yimid ayada oo ay jirto in xubno ka tirsan beesha oo ku jira Aqalka Sare ay doonayaan in shaqooyinka soo baxay ay siiyaan beelahooda, oo markii horeba haystay xildhibaano iyo senatorro.