Shabaab badan oo maanta lagu laayey dagaal culus oo ka dhacay gobolka Mudug

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Qeycad iyo duleedka magaalada Bacaadweyn ee Koonfurta gobolka Mudug ee dowlad-goboleedka Galmudug.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowlad-goboleedka Galmudug Jeneral Maxamed Cali Nuur oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab laga saaray deegaanka Qeycad iyo godad uga qodnaa agagaarka Bacaadweyn.

Jeneraal Maxamed Nuur ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalkan kooxda Al-Shabaab looga dilay 32 xubnood oo uu ku jiro horjoogahoodii maleeshiyada ee halkaasi kula dagaalamay ciidamada dowladda.

“Waa deegaankii ugu adkaa ee bacadka ee godadka ka sameysteen, waxaa ugu darneyd Qeycad iyo Bacaadweyn inta u dhaxeysa waxaana uga saarnay awoodii Ilaahay na-siiyay ee haybada laheyd ee ciidanka qaranka Soomaaliyeed noocyadiisa kala duwanayd,” ayuu yiri.

Dagaalkaan oo ay qeyb ka ahaayeen ciidamada milatariga ee xooga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo maleeshiyada Shabaab ay dib ugu gurteen deegaanada Camaara iyo Caad, sida uu sheegay taliyaha ciidamada Daraawiishta dowlad-goboleedka Galmudug.

“Waan ka saarnay goobihii ay ku jireen oo cadowga cagta lagu mariyay, hubkii iyo qalabkii isgaarsiinta ay haysteen waxaba looga qaatay, loogana dilay amiiradii ugu sareeyay. Kuwa kale ee cararay ugama hari doono meel kasta oo ay galaan. Meelkasta oo cadowga tago waa ka daba-galayna.”

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ciidmada dowladda iyo kuwa dadka deeegaanka ay kooxda ka qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, sidoo kale waxaa qeyb ka ah dagaalka tooska ah midka dhaqaale iyo fikri ee dowladdu ku cirib-tirayso kooxda.