Somaliland oo war cusub kasoo saartay DAGAALKA magaalada Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta markale ka hadashay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyada oo shaacisay in madax dhaqameed u diri doonto magaaladaasi, si xal nabadeed looga gaaro xiisadda taagan.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa arrintaan u sheegay warbaahinta, isaga oo sheegay in xukuumadda Somaliland ay marwalba diyaar u tahay in wada-hadal ka gasho xiisadda dagaal ee ka taagan Laascaanood.

“Dhibta Sool taalla wey dhamaaneysa sheydaan ayaa ka adeegay. Xukuumadd ahaan waxaan diyaarinay dhaqankii Somaliland oo u tegaya walaalahooda kale ee garaadada reer Laascaanood ee sida kale wax isku tustay, si ay ula soo xaajoodaan,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Odayaasha Dhaqanka ee ay u dirayaan magaalada Laascaanood ay siiyeen awood buuxda, islamarkaana ay aqbalayaan xukuumad ahaan wixii ay lasoo gaaraan Isimida SSC ee ku sugan magaaladaasi.

“Xaga waxa ka talinaya (Laascaanood) garaado dhaqan ah ayaa ka talinaya, marka gadhba gadh ayaa la tusa ee xukuumaddii aad ka cabaneyseen idinma soo dirin ee waxaa idin soo dirnay garaadadii idinla dhigmayay.”

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxa uu ka codsaday Isimida SSC in ay la fariistaan odayaal dhaqameedka ay usoo dirtay Somaliland, ayna kala hadlaan tabashada ay qabaan, si xal looga gaaro oo dagaalka Laascaanood loogu soo afjaro xal nabadeed.

Somaliland ayaa hore ugu dhawaaqday xabad-joojin, taasi oo aan waxba ka tarin xaaladda ka taagan Laascaanood, waxayna Isimida SSC ku xireen dhaqan-gelkeeda in Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo magaalada.

Waxaa si weyn isku soo taraya baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee ku aadan xaaladda Laascaanood, ayada oo wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho ay markale dalbadeen in la joojiyo dagaalka, wax welibana lagu dhameeyo miiska wada-hadalka

“Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada-hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaaro xal nabadeed. Waxaan ku celinaynaa baaqeenna ah in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka.