Kulankii xildhibaanada BF ee maanta oo baaqday iyo dood xooggan oo taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa u baaqday kooram la’aan kadib markii ay soo xaadiri waayeen fadhiga tiro xildhibaano ku filan si uu fadhigu u furmo.

Tirada kulankaan soo xaadirtay ayaa noqotay 120 xildhibaan oo kaliya, taasi oo keentay in guddoonka Golaha Shacabka uu soo xiro fadhiga, islamarkaana uu digniin culus u diro xildhibaanada maqnaaday fasax la’aanta.

Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan si adag uga hadlay maadaama kulamo badan oo Golaha Shacabka ay sidaan oo kale ugu baaqdeen kooram la’aan.

Kulanka maanta ayaa la filayay in loogu codeeyo Hindise-sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka Dhulka Hoostiisa, kaasi oo akhrintii saddexaad maraya iyo sidoo kale akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Socdaalka.

Kulamadii u dambeeyay ee Golaha Shacabka ayaa waxaa hareeyay dood sharciyeed xoogan oo salka ku haysa qaab hogaaminta Baarlamaanka ee guddoomiye ku-xigeenka 2-aad oo muddo ku dhow bil keligiis guddoominayey golaha.

Guddoonkan ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay xeer hoosaadka, waxayna mudaneyaasha qaar sheegeen in golaha ka taagan tahay xaalad guddoon xumo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo xilligaan ah ku-sime ayaa muddo dheer soo xaadirin golaha, halka guddoomiye ku-xigeenka koowaad uu isagna dalka ka maqan yahay.

Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa hore u sheegay in guddoonkan uu qaab sharci darro ah ku meel-mariyay sharciyo, taasi oo keentay in sharciyadii u dambeeyay ee la horgeeyay golaha ay qaataan waqti dheeraad ah.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo uu kooram la’aan u baaqdo kulan ay leeyihiin xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waana wax markasta dhaco waayadii dambe, ayada oo dhowr jeer arrintaan looga digay xildhibaanada.