Diyaarad Imaaraati ah oo billaabeysa duulimaad toos oo Muqdisho iyo Dubai ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkada duulimaadyada ee Fly Dubai ee fadhigeedu yahay waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay dib u bilaabi doonta duulimaadyadeeda Muqdisho iyo Dubai oo toos ah, weliba si maalin leh ah.

Fly Dubai oo in muddo ah aan imaan Soomaaliya ayaa duulimaadkeeda tooska ah bilaabi doonto 9-ka bisha soo socota ee March, ayada oo la rajeynayo in saddex bil kadibna la kordhin duulimaadyadaasi, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa arrin yadidiilo leh ku tilmaamay duulimaadka tooska ah ee ay bilaabeyso shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai.

“Duulimaadyadan tooska ah ee Fly Dubai waxay wax ka tari doonaan xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga labada dal (Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta),” ayuu yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Shirkadda Fly Dubai oo iyaduna ka hadashay duulimaadyadan ay ka bilaabeyso dalka ayaa waxay sheegtay inay doonayso in Soomaaliya ay si toos ah ugu xirto Dubai iyo Imaaraadka Carabta.

“Waxaan sii wadeynaa raadinta fursadaha aan ku kobcineyno shabakadaha Bariga Afrika iyo furitaanka suuqyo aan la isticmaalin. Gobolkani waxa uu sameeyay koboc dhaqaale iyo horumar la taaban karo sannadihii u dambeeyay,” ayuu yiri Hamad Obaidalla, oo ah madaxa ganacsiga ee Fly Dubai.

Sidoo kale waxa uu sheegay masuulkan in duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya ay sii kobcin doonaan dhaqaalaha, islamarkaana ay gacan ka geysan doonaan abuurista isu socodka iyo ganacsiga labada dal.

Tallaabadan ayaa imaneysa, xilli ay shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai wado qorshe ay isku ballaarinayso shabakadeeda Afrika, oo illaa hadda gaaray 11 goobood, taasi oo ay ku tilmaamtay shirkaddu mid siinaysa rakaabka Imaaraadka iyo gobolkaba ikhtiyaaro ku haboon safarkooda.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa, iyada oo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta dib loo hagaajiyay, islamarkaana ay dowladda federaalka muujisay niyad wanaageeda ku aadan soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Abu Dhabi.