ITOOBIYA oo ku celisay in marnaba aysan ka tanaasuli doonin damaceeda badda

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Itoobiya oo war cusub kasoo saartay kiiska badda ayaa mar kale ku celisay in aysan marnaba ka tanaasuli doonin damaceeda badda cas, ayna ka go’an tahay sidii ay ku heli lahayd bad ay adeegsato.

Agaasimaha fulinta machadka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Jacfar Bedru oo hadalkan ka dhawaajiyay ayaa sheegay in helitaan bad ay muhiimad wayn u leedahay Itoobilya, wuxuuna sheegay in aysan ka laaban doonin doonistooda badda cas, xilli ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee ay la galeen maamulka Somaliland.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in muddo dheer ay soo wadeen halganka ay ku doonayaan in ku helaan bad, balse waxa uu xusay inay kasoo horjeedaan waddamada dariska ah.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay isku xiran tahay inay bad helaan iyo jiritaanka Itoobiya, sida uu ku dooday madaxa fulinta machadka arrimaha dibadda ee dalkaasi.

“Itoobiya iyo badda cas waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah. Itoobiya waligeed waxay halgan taariikhihi ah ugu jirtay Badda Cas, waana arrin ku xiran jiritaankeeda. Waddamada dariskeenna ah waxaa ka go’an inay meesha ka saaraan doonisteenna Badda Cas” ayuu yiri Jacfar Bedru.

Dhinaca kale, wuxuu ku eedeeyay wuxuu ugu yeeray cadowga Itoobiya ee taariikhiga ah, inay maleegayeen sidii Itoobiya looga saari lahaa wada hadallada ku saabsan badda cas.

Hadalkan ayaa Jacfar Bedru wuxuu ka sheegay wada-hadalladii labaad ee badda cas oo ka dhacay Addis Ababa, waxaana hal ku dhig u ahaa baahida iskaashi goboleed ee Badda Cas.

Si kastaba, waxaa weli halkeeda ah xiisadda u dhexeysa Addis Ababa iyo Muqdisho ee ka dhalatay heshiiska badda, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya.