Taliye lagu dilay dagaal dhex maray ciidamo beeleed iyo ciidamada DF Soomaaliya

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta iska hor imaad hubeysan uu ka dhacay deegaanka Xaaji Cali ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyay ciidanka booliska Soomaaliya iyo maleeshiyaad hubeysan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen labada ciidan, waxaana goobta ka dhacay is rasaaseyn sababtay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku dhintay dagaalkan waxaa kamid ah laba xidigle Cabdulqadir Maxamed Xaashi (Juuqlaawe) oo ahaa taliyaha ururka daraawiishta Booliiska ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Marxuumka ayaa watay ciidamo boolis ah oo ay dowladda dhexe gaystay gobolkaasi, si ay ukala dhex-galaan beelo horay ugu dagaalamay halkaasi.

Dilka taliyaha ayaa yimid, kadib markii uu isku dayay inuu hub ka dhigis ku sameeyo maleeshiyaad deegaanka, balse ay isku dhaceen labada ciidan, kadibna dhaawac soo gaaray uu u dhintay Taliye Cabdulqadir Maxamed Xaashi (Juuqlaawe).

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay HirShabelle iyo dowladda federaalka oo ku aadan shaqaaqada lagu dilay taliyaha

Waa taliyihii labaad ee dagaal lagu dilayo isla todobaadkan, waxayna ahayd Sabtidii markii isna la khaarijiyay taliyaha saldhigga degmada Bardaale ee gobolka Baay, Caliyow Boorow oo ku dhintay dagaal dhex-maray booliska iyo maleeshiyaad ku sugan halkaasi.

HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka taagan colaad beeleedyo sababay khasaarooyin, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.