Itoobiya oo ku dhowaaqda is-beddel lagu sameeyey siyaasaddeeda dibedda

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dawladda Itoobiya ayaa dhammaystirtay isbedel lagu sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya, sidaas waxa sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas Nebiat Getachew oo saxaafadda kula hadlay Addis Ababa.

Mr. Getachew, wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya oo la dejiyay 24 sannadood ka hor, imika lagu sameeyay isbedel uu sheegay inuu la jaanqaadayo dunida iyo gobalka Geeska Afrika.

Waxa uu sheegay in qorshaha siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ee hadda, la dejiyay ay toddobadii bilood ee u dambeeyay diyaarinayeen khubaro isugu jira diblomaasiyiin iyo macalimiin Jaamacadeed, kuwaas oo hadda dhammaystiray.

“Siyasadda cusub ee arrimaha dibadda, waxa si rasmi ah loo daah furayaa maalmahan soo socda, waxaana loo diyaariyay iyadoo la tixgeliyay kobaca bulshada Itoobiya oo markii siyaasadaas hore 24 sannadood ka hor la diyaariyay tiradoodu ahayd 60 milyan oo ruux, haddana ah 100 milyan oo ruux, sidoo kalena waxa lagu saleeyay gobalka, qaaraadda iyo adduunyada.” Ayuu yiri Getachew.

Afhayeenka oo ka hadlaya saamaynta siyaasadan cusub ee Itoobiya ee Geeska Afrika, wuxuu sheegay in isbedelo badan oo imika soo kordhay ay sababeen isbedelkan cusub, waxaanu yidhi, “Dhalashadii Koonfurta Suudaan, dhammaynta xaaladii colaadna aan ahayn, nabadna ahayn ee Itoobiya iyo Ereteriya, isbedelka xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimo kale oo badan ayaa sababay in isbedel lagu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya.”

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com