Itoobiya oo shaacisay inay sameysaneyso ciidamada badda ayadoo laheyn bad

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaciyay in dalka Itoobiya uu sameynayo Maraakiib dagaal iyo ciidamada badda, si loo xoojiyo Ciidanka difaaca Dalka Itoobiya.

Ra’isal wasaare Abiy waxaa uu shalay ka hor hadlayay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga ee Itoobiya, waxaana uu sheegay in dowladda Itoobiya gaar ahaan xisbiga talada haya uu dhisay Ciidamada Dhulka iyo Cirka ee ugu wanaagsan Afrika, haddana ay qorsheynayaan in ay dhisayaan Ciidanka Badda iyo Maraakiib dagaal.

“Kaddib dadaaladii la sameeyay oo aan ku dhisnay awoodda difaaca qarankeeda, waxaa dhisnay mid ka mid ah ciidanka ugu xooggan dhulka iyo cirka ee Afrika, waa inaan dhisnaa ciidamadeena badda mustaqbalka”ayuu yiri Mr Abiy Ahmed.

Dad badan ayaa isweydiinaya halka Ciidanka Badda Itoobiya ay saldhigan doonaan maaddaama Itoobiya aysan Bad lahayn.

Waxaa xusid mudan in Itoobiya uu ku yaallo machad dadka lagu baro cilmiga Badda iyo ilaalinta Xeebaha waxaana sanad waliba ka qalin jebiya 500 oo Qof.

Itoobiya waxaa ay leedahay Harada Tana,taas oo ay inta badan ka howlgalaan dadka barta cilmiga Badaha ee u dhashay Dalka Itoobiya.

Abiye waxaa uu sheegay in dadka ka qalin jebiya Machadkaas la gaarsiinayo 1,000 Qof Sanadkiiba,isaga oo xusay in dhameystir buuxa uu u baahanyahay difaaca Itoobiya.

Dowladda Itoobiya waxaa ay heshiisyo dhinaca Dekadaha ah la gashay Dalalka Jabuuti,Suudaan,Kenya iyo Maamulka Somaliland ee Soomaaliya.

Dekadaha Jabuuti iyo Maamulka Somaliland waxaa ay Itoobiya ku yeelaneysaa saami,halka kuwa Suudaan iyo Kenya ay maamulka wax ka leedahay islamarkaana ka qeyb qaadaneyso horumarintooda sida lagu shaaciyay Heshiisyada ay Itoobiya la gashay Kenya iyo Suudaan.

Itoobiya oo aan Bad laheyn waxay xiliggan isticmaashaa Dekedaha Berbera iyo Jabuuti oo ay alaabaha kala soo degtaa.

Horaantii sanadkan Itoobiya ayaa qeyb ka noqotay heshiis saddex geesood ah oo lagu qeybsaday saamiga Dekeda Berbera ee Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com