Itoobiya oo soo saartay WAR kasii daraya xiisadda NILE

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedduu Andaargaashew ayaa sheegay Itoobiya iney biyaha wabiga Nile ay u isticmaali karto ujeeddada ay rabto.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedduu Andaargaaschew oo bartiisa Twitter-ka farriin soo dhigay ayaa ku sheegay iney jirin isticmaalka biyaha wabiga Nile Itoobiya cid ka hor istaagi karto.

“Biyaha Wabiga Nile maanta waa la xakameeyey oo biyo-xireenka ayaa biyihi qabanaya, wabigina wuxuu hadda iisu beddelay haro aad u weyn, biyaha wabigana qulqulkiisa wuu sii wadayaa Itoobiyana harada biyaha wabiga ka sameysantay ayey sideey doonto u isticmaaleysaa” ayuu yiri.

Barta Twitter-ka

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay Itoobiya sheegtay biyihi looga talagalay in biyo-xireenka lagu keydiyo sanadka ugu horreeya in si buuxda looga guuleystay.

Itoobiya waxay marar badan sheegtay buuxinta biyaha biyo-xireenka uu u baahan yahay iney billaabeyso bartamaha bisha July, taasoo la moodo iney sideeda ugu suuragashay.

Biyo-xireenka weyn ee ay Itooboya ka dhiseyso wabiga Nile dhsiamahiisa marka la dhammeystito wuxuu awood u yeelanayaa inuu dhaliyo koronta dhan 6 kun oo Mega Wat, biya xireenkan oo noqonaya kan ugu weyn qaaraddan Afrika.

Waxaana korontada biyo-xireenkaasi laga dhalinayo ka faa’ideysan doonta 65 malyan oo qof oo ku nool dalka Itoobiya.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa shacabka dalka Itoobiya ugu hambalyeeyey guusha laga gaaray biyo-xireenka weyn ee ay ka dhiseyso wabiga Nile.

Wuxuuna sheegay biyo xireenka hadda lagu guuleystay biyihi ugu horreeyey iney sidi la rabay u galaan oo lagu guuleystay ayaa guusha soo hoyeen shucuubta dalka Itoobiya ee dal iyo dibadba ku sugan lacagaha ay jeebkooda ka bixiyeen iyaga oo aan u baahan kaalmo iyo deeq shisheeye.