Khilaafkii u dhexeeyey DF iyo M/Goboledyada oo la xaliyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –  Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlayey shirka magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaciyey in xal waara laga gaaray khilaafkii maamulkiisa kala dhexeeyey dowladda dhexe ee Somalia.

Axmed Madoobe ayaa khudbaddiisa ku sheegay in si hoose wax loo xeeriyey, gaar ahaan khilaafka ka dhashay doorashadii isaga dib loogu doortay ee ka dhacday magaalada Kismaayo, kadib wada-hadalladii gaar-gaarka ahaa ee ka dhacay Dhuusamareeb.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la muujiyey isu tanaasul, isaga oo sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Dhankiisa Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane  Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa ku dhawaaqay in dadaal badan oo la sameeyey kadib meesha laga saaray khilaafkii u dhexeeyey madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Deni ayaa intaasi ku daray in maamul goboleedyada iyo dowladda loo kala warrami jiray, balse ay haatan dhammaatay, islamarkaana ay wada shaqeyn doonaan labada dhinac.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in la joogo xilligii Midnimada,loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo maslaxada guud ee Ummadda Soomaaliyeed.