Daawo: Maxaan ka fahanay khudbadii R/Wasaare Kheyre ee SHIRKII Dhuusamareeb?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad kooban ka jeediyey shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ugu horeyn aad ugu mahad celiyey shacabka iyo maamulka Galmudug oo shirkan martigeliyey. Waxuuna sheegay in xaaladda uu maanta dalku ku suganyahay ay qof kasta waajib uga dhigeyso in laga wadashaqeeyo, si dalka looga saaro marxaladda uu ku jiro.

“Shirkii halkan ka socday maalmihii lasoo dhaafay, waxaan rabaa in aan u xaqiijiyo umadda Soomaaliyeed in uu ahaa is dhageysi iyo isu-tanaasul loogana doodayey danaha dadka Soomaaliyeed, mana jirin wax is-faham darro ah oo ka soo muuqday. Inkastoo dadku ay wal-walsanaayeen, wixii ka soo waxayna waxaad ku aragteen war-murtiyeedka,” ayuu yiri Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in madaxdu ay ku heshiiyeen sidii dalka lagu gaarsiin lahaa meeshii u dan ah umadda Soomaaliyeed iyo in ay is dhageystaan si kasta oo ay u kala aragti duwanyihiin, si buu yiri aan isugu keeno aragti mideysan.

Hoos ka Daawo