Itoobiya oo u yeertay Ahlu-Sunna iyo Galmudug (Guuleed iyo Shaakir oo Addis iska xaadiriyey)

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed ayaa galabta ka dhoofay magaalada Cadaado isagoo ku sii jeeda magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo ay noqoneyso markii ugu horeysay ee uu halkaasi iska xaadiriyo tan iyo intii uu xilka qabtay.

Ujeedka socdaalka C/kariin Guuleed ayaa la sheegay inay u yeertay dowladda Itoobiya oo wax lagu sheegay waanwaan ka dhex wada kooxda Ahlu-Sunna iyo maamulka Galmudug, waxaana lagu wadaa in labada dhinac si toos ah waanwaan looga dhex dhaliyo.

C/kariin Guuleed oo aan ka mid ahayn madaxda Soomaalida ee ku xiran Itoobiya ayaa hadda kadib laga cabsi qabaa inuu ku xirto Itoobiya oo dhinaca kale taageerta kooxda Ahlu-Sunna, iyadoo heshiiska ay Itoobiya garwadeenka ka tahay ee Addis ka dhici doona aan la ogeyn isbedelka uu ku keeni doobo gobollada dhexe.

Madaxweynaha Ahlu-Sunna ee Goboladda dhexe Sheekh Axmed Shaakir ayaa iminka ku sugan dalka Itoobiya isagoo dowladda Itoobiya ay halkaas ugu yeertay, waxaana laga war sugayaa dadaalka Itoobiya ee maamulka Gobollada Dhexe oo ka mida maamulada ay sida weyn u joogaan ciidamadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com