Mas’uul ka tirsana Galmudug oo is casilay

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ayaa sheegaya in Gudoomiye ku-xigeenkii dhanka arrimaha bulshada ee maamulka cusub degmada Caabudwaaq Cali Maxamed Nuurre uu xilkiisa iska casilay.

Cali Maxamed ayaa sheegay in is casilaadiisa aysan aheyn mid lagu qasbay, balse uu salka ku hayo arrimo dhowr ah oo is biirsaday, sidaana uu isku casilay.

Cali Maxamed Nuurre ayaa sidoo kale sheegay sababta uu isku casilay inay qayb ka tahay amniga naftiisa oo uu u baqay, maadaama sida uu tilmaamay Degmada Caabudwaaq ay gaaf wareegayaan maleeshiyaad hubaysan.

Waxa uu sheegay in amaanka degmada uu yahay mid aan caga fiican ku taagneyn, sidaa awgeedna uu doorbiday inuu is casilo, waxa uuna Maamulka guud ugu baaqay inay waxbadan ka bedelaan xaalada iminka taagan.

Maamulka Galmudug ayaa 4-tii bishaan u magacaabay maamul dhameystiran degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud, waana mas’uulkii ugu horeeyay ee maamulka degmadaasi iska casilay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com