SHARIIF XASAN oo ka hadlay weeraradii PARIS

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ka hadlay weeraradii Daacish ay sheegatay ee ka dhacay magaalada Paris Dalka Faransiiska kadib markii uu ka qeyb galay shir ka dhacay magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan oo ka hadlayay weerarada ayaa ugu horeyn wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkaasi oo sababay dhimashada 127 ruux oo u dhalatay dalka Faransiiska.

“Waxaan idiin sheegayaa in weerarka uu ahaa mid waxuushnimo ah, waxaan leenahay tacsi ayaan u direynaa dowlada Faransiiska haddii aan nahay dowlada koofur galbeed Soomaaliya, dadkan waa cadow halkaan ayay dhibaato ka geysteen marka aan hal meel uga soo wada jeesano”ayuu yiri Shariif Xasan.

Dhinaca kale madaxweynaha koofur Galbeed ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ee ka qeyb galay kulan looga hadlayay nooca doorasho ee ka qabsoomi karto dalka sanadka soo socda iney ka fakaraan wax wanaagsan oo ummada Soomaaliyeed wax u tari kara.

Shirkaasi oo maalintii shalay ka furmay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, ayaa la qorsheynayaa in maanta lagu soo gabo-gabeeyo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Caasimada Online
Xafiiska Baay
Caasimada@live.com