Xog: CC iyo Kenyatta oo teleefon kuwada hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa la sheegayaa inay Khadka telefoonka kuwada hadleen Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta.

Labada mas’uul ayaa kawada hadlay xiisada iminka ka taagan Xadka u dhexeeya Somalia iyo Kenya, waxa uuna Cumar C/rashiid Madaxweyne Uhurro Kenyatta u sharaxay caqabada ka heysata darbiga laga dhisaayo xadka iyo go’aanada is xigxiga oo ay soo saarayaan BFS.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa Kenyatta ka dalbaday in Dowladiisu ay qaboojiso xiisada taagan, waxa uuna ku wargaliyay in DFS ay wafdi arrintaasi kala hadlaya usoo diri doonaan si loo dajiyo xaalada kacsan.

Waxa uu sidoo kale, Cumar C/rashiid Madaxweynaha ugu baaqay hadii ay suuragal tahay in shaqaalaha wada dhismaha darbiga ay si KMG ah usii hakiyaan inta ay wafdiga ka socda Dowlada Somalia ay ka gaari doonaan Kenya.

Madaxweyne Uhurro ayaa isaga ka caga jiiday in la hakiyo dhismaha darbiga balse waxa uu ballanqaaday in wafdiga ka socda DFS ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan.

Uhurro Kenyatta ayaa Ra’isul wasaare Cumar u sheegay inuu aaminsan yahay inaysan jirin xadgudub ay ku sameeyen xadka kala dhexeeya Somalia, balse waxa uu cadeeyay in DFS ay ku qanci doonto calaamadaha kala qeybiya labada dal.

Xiriirka labada mas’uul ayaa u muuqanaaya mid aan leysku fahmin waxa ayna ku ballameen in xal ay ka gaari doonaan shakiga taagan.

Dhanka kale, Wafdi ka socda DFS ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay gaari doonaan Magaalada Nairobi si ay Dowlada Kenya ay kala hadlaan xiisada ka taagan xadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com