XOG: Kenya oo dabaabado dagaal geysay xadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xadka kala qeybiya Somalia iyo Kenya lagu arkaayo Ciidamo kenyaan ah oo ku hubeysan dabaabaadka dagaalka.

Dabaabadaha dagaalka ayaa la tilmaamayaa in maalin ka hor lasoo dhoobay xadka, kuwaasi oo ay la socdaan boqolaal Ciidamo Kenyan ah.

Ciidamadaani iyo gaadiidka ay wataan ayaa waxaa la sheegayaa inay ka hortagayaan weerar ama colaad kaga timaada dhanka Somalia, waxa uuna ujeedkoodu yahay inay difaacdaan dhulka ay Soomaalida ka xoogen.

Difaaca ay gashay Kenya ayaa yimid kadib markii Saraakiil ka tirsan Militeriga DFS ay sheegen in awood militeri ay Kenya uga soo ceshanayaan dhulka baaxada leh oo ay ka boobtay Somalia.

Sidoo kale, talaabada ay Kenya ku howlgalisay Ciidamadeeda xadka ayaa waxaa soo dadajiyay go’aankii kasoo baxay Gudiyada arrimaha dibadda iyo kan gudaha ee BFS kaasi oo ka koobnaa 5-qodob oo xanuunjiyay Dowlada Kenya.

Geesta kale, waxaa laga cabsi qabaa in colaad ay dhex marto DFS iyo Kenya waa haddii aan wax laga qaban damaca Kenya ay isku leheysiisay dhulka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com