DF oo ku kala qeybsan ka hortaga darbiga Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa walaac gaar ah ka muujineysa dadaalada Dowlada Kenya ay ku xoojineyso boobka ay ku heyso dhulka Soomaaliya ee ku yaala Xadka labada dal..

Xukuumada Somalia ayaa dooneysa in arrinkaani ay qaab siyaasadeed ku xaliso waxaana taas kasoo horjeeda qaar kamid ah Wasiirada iyo Golaha Baarlamaanka Somalia oo caqabad Somalia hortaagan u arka Kenya.

Xubno ka tirsan Wasiirada oo uu xulay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa lagu wadaa inay kulan gaar ah la qaatan Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta si ay uga dhaadhiciyaan inay dib uga laabtaan xadka ay leedahay Somalia.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa dhexda u xiranaaya in Kenya uu ku qanciyo inay dib u baxdo talaabooyin, waxa ayna tani ka danbeysay kadib markii Cumar C/rashiid lagu eedeeyay inuu heshiisyo horay ula soo galay Kenya.

Xildhibaanada BFS ayaa aad uga soo horjeeda in gorgortan laga galo arrimaha Xadka iyo Badda Somalia, balse waxaa sheekada dhexda u fadhiya Madaxtooyada Somalia.

Madaxtooyada Somalia ayaa la dhacsan dhacdooyinka ka taagan Xadka Somalia iyo Kenya waxaana jiro xogo muujinaaya in Xildhibaanada qaar ay dabagal ku hayaan Madaxweyne Xassan iyo Cumar C/rashiid.

Si dhab ah looma saadaalin karo arrinta iminka ka taagan Xadka Somalia iyo Kenya, waxa ayna arrinta u muuqataa inay tahay mid hoos iska taabad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com