Itoobiya oo wajeheysa xiisad la mid ah tan Soomaaliya – Maxaa maanta dhacaya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Tigrayga ee dalka Itoobiya ayaa maanta waxaa ka dhacaya doorasho u gaar ah, oo khilaaf uu ka taagan yahay, xili doorashadii Soomaaliya uu iyadana ka taagan yahay muran aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin.

Khilaafyada noocan ah ayaa falanqeeyayaashu ku macneeyen in uu nidaamka federaalku uu yahay sababta u weyn ee keenta arrimahaasi, ayna tahay saameynta xun ee ka dhalata nidaamkaasi.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka hannaanka federaalka qaatay ee Geeska Afrika, ayaa iyadu muddooyinkii dambe wajaheysay khilaafaad la xiriiray arrimaha doorashada, taasi oo u dhaxeysay dowladda dhexe, maamul goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda.

Itoobiya ayaa iyaduna la daala dhaceysa dhibaatooyinka la mid mida Soomaaliya, taasi oo udhaxeysa maamulka Tigrayga oo in muddo ku muransanaa arrimaha doorashada oo ay dowladdu dhexe dib u dhigtay taas oo la xiriirtay saameynta cudurka safmarka ah ee  Covid-19.

Halka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyadana ay isku fahmi laayihiin nooca doorasho ee dalka ka qabsoomeysa, xili ay muddo kooban ka hadhsantahay muddo xileedka xukuumadda.

Feysal Rooble, oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika ayaa xaaladda ka taagan dhanka Itoobiya ku tilmaamay mid ah ismari waa sababay in Tigrayga iyo dowladda Dhexe ay isku khilaafaan dib u dhigista doorashada.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya iyo Itoobiyaba uu inta badan saldhig u yahay sharciyada u yaalla dowladaha dhexe iyo kuwa maamulada oo qeexaya awoodaha.

“Dowladdu Federaalku waxay sheegeysaa in uusan sharciba ahayn in dowlad deegaanka Tigrayga iskood u qabtaan doorasho, kuwa tigraygana waxay ku doodayaan cahdi qarameedka u yaalla in uu fasaxaya,” ayuu yiri.

“Federaalka waxaa lagu sheegay in leeyahay sharci qaran oo kala saaran dadka, kan Soomaaliya iyo kan Itoobiya, labaduba waxay xadeynayaan awoodda dowladaha dhexe ay leeyhiin isla markaana awoodo badan ay siinayaan dowlad goboleedyada, marka waxaad mooddaa in labada ay ka taagan yihiin arrimo ay isku afgaran la’yihiin oo ah xadka ay dowladda federaalka leedahay iyo meesha awooddu ka bilaabmato.”

Wuxuuna intaas kusii daray “Kan Itoobiya qodobka 52-aad wuxuu sheegayaa in wax alle wixii ka soo hara awoodda dowladda dhexe ay leeyihiin dowlad goboleedyada, kan doorashada waxay dadka qaarkood u micneysaa in ay gacanta ugu jirto dowlad goboleedyada oo aanay dowladdu Federaalku waqtiga la qabanayo iyo sida uu u dhacayo aanay waxbo shuqul ku laheyn”.

Khilaafaadka siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo maamulada ayaa salka ku haya jabinta xeerarka iyo sharciyada u dagsan dowladaha federaalka, xili uu dastuurka dalkeenu uu qabyo yahay.