Qeylo dhaan laga muujiyey ‘isbedello lagu sameynayo’ saraakiisha ciidamada DF

Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya waalaca xoogan ee laga muujinaya is-bedalka ballaaran ee lagu hayo hoggaanka ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdushakuur oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay inay isku milmeen taliska ciidamada Xoogga dalka iyo kan Nabad-Sugida Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in taliyaha ciidanka Xoogga dalka uu si toos ah uga amar qaato taliska NISA, siiba marka ay yimaadaan amarada xil ka qaadista, dalacsiinta, shaqo ka joojint,a iyo beddelaada saraakiisha ciidamada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku darayin saraakiisha xirfadda ciidan leh lagu bedalayo kuwo daacad u ah Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxaan walaac xoog leh ka muujineynaa isku milanka Taliska Nabadsugidda (TN), iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka (CXD).

Waxaa soo baxaysa in taliyaha CXD uu toos uga amar qaato TN. Amarrada xil ka qaadis, dalacsiin, shaqo ka joojin, iyo beddelaad ee maalmihii la soo dhaafay CXD ka dhex socotay waxay ahaayeen kuwo u adeegaya dano siyaasadeed, eex qabiil iyo ku takrifal awoodeed.

Saraakiisha xirfadda ciidan leh ayaa lagu beddelayaa kuwo daacad u ah Madaxweynaha iyo taliskiisa Nabadsugidda. Waxaa la tijaabiyaa daacadnimada saraakiisha sar sare ee ciidanka. Waxaa la soo reebayaa intii heyb qabiil iyo daacadnimo la hubo leh.

Sababta ugu wayn ee loo burburinayo xirfadda ciidanka, loona baabi’inayo mirihii dib u habeynta, waa in loo adeegsado sad-bursi siyaasadeed iyo ku takrifal awoodeed.

Waxaan ugu baaqeynaa saraakiisha ciidanka, gaar ahaan taliska CXD in ay danta Qaranka ka hormariyaan danaha shakhsiga ah, damiirkoodu hago, ilaashadaan diiwanka xirfaddooda shaqo ee mustaqbalka, daacadna qaranka u ahaadaan, kuna xisaabtamaan in ay tirsanyihiin maalamaha ka harsan muddo xileedka madaxweyne Farmaajo iyo taliskiisa nabadsugidda.