Sawirro: Somaliland oo xafiis rasmi ah ka furatay Taiwan

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ee Somaliland ayaa si rasmi ah xafiis diblumaasiyadeed uga furatay Taiwan, kadib markii ay dhowaan labada dhinac yeesheen xiriir diblumaasiyaadeed oo dhaliyey xiisad hor leh.

Xafiiskan oo si rasmi loo daah-furay ayaa waxaa munaasabadda lagu furayey ka qeyb-galay wasiirka arrimaha dibadda Taiwan iyo wakiilka Somaliland ee jasiiradaasi, Maxamed Xaaji Cumar.

Sidoo kale waxaa munaasabadda khadka Internet-ka uga qeyb-galay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey madasha, isaga oo Taiwan uga mahad celiyay xiriirka cuusb oo ay wada yeesheen labada dhinac.

Horey Taiwan ayaa xafiis diblumaasiyadeed uga furatay magaalada Hargeysa, kadib markii ay wakiilo is-dhaafsadeen labada maamul.

Xiriirka u billoway Taiwan iyo Somaliland ayaa waxaa si weyn uga horyimid dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya oo labaduba ka digay xiriirkaasi.