Dowladda Itoobiya oo war kasoo saartay DAGAALKA Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab

Addis Aabab (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa war cusub kasoo saartay howlgalka ka socda dowlad deegaanka Soomaalida, kadib markii ay gudaha u galeen xubno horleh oo ka tirsan Al-Shabaab oo ka tallaabay xadka dhinaca soo xiga gobolka Hiiraan.

Sarkaal sare oo u hadlay milatariga Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadeen howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, ujeedkoodkana uu yahay sidii looga saari lahaa halkaasi.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ciidamadooda ay ku biireen dagaalka, ayna dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan deegaannada dhaca xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dagaalkii u dambeeyey oo ahaa mid culus ayaa shalay ka dhacay deegaanka Laas-qurun oo u dhow degmada Feer-Feer oo ku taalla xadka Itoobiya uu la wadaago gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka ayaa dhankooda sheegay in ciidamadooda ay dileen 85 ka mid ahaa dagaalyahannada Shabaab, isla markaana ay ka qabsadeen deegaanno badan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana wararka ay sheegayaan ina labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan xadka, halkaas oo laga dareemayo abaabul ciidan oo xoog leh.

Dowlad deegaanka ayaa gashay xaalad amnni oo adag, kadib markii todobaadkii hore ay dagaal ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka gudbay dhinaca Bakool.

Sikastaba, labada dhinac ayaa dagaalladii ka dhacay halkaasi guullo ka kala sheegtay, waxaana garab kasta soo bandhigay hub iyo maxaabiis lagu kala qabsaday dagaalladaas.