Itoobiya oo war cusub kasoo saartay shirkii JABUUTI iyo midnimada Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Itoobiya ayaa markale ka hadashay shirkii dhowaan ka furmaya dalka Jabuuti ee wada-hadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Itoobiya ayaa shirkaasi ku tilmaamtay mid muhiim u ah gobolka geeska afrika, iyada oo warbixin ay soo saartay ku taageereysa midnimada Soomaaliya.

Warbixinta todobaadlaha ah ee Wasaarada arrimaha dibeda Itoobiya, ayaa si toos ah loogu soo xigtay hadalkii uu Ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu ka jeediyay kulankii ay isku hor-fadhisteen Farmaajo iyo Muuse Biixi.

Abiy Axmed ayaa khudbadiisa aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay nabada geeska iyo dib u heshiisintu, xili ay Somaliland ku doodeyso inay ka go’day Soomaaliya.

“Intii lagu gudo jiray kulankan wada-tashiga ah ee xiriirka Somaliland iyo Soomaaliya, Ra’iisal wasaare Abiye Axmed wuxuu hoosta ka xariiqay qiimaha ay nabadda iyo dib u heshiisiintu u leedahay gobalka oo fure u ah is dhex galka gobalka. Waxa xusid mudan in kulankan wada-tashiga ahi dabo socdo kulankii uu bishii February ee sannadkan Addis Ababa ku qabsoomay” ayaa lagu yiri warbixinta Wasaarada.

Warbixinta wasaarada ayaa sidoo kale waxa lagu xusay rabitaanka beesha caalamka ee midnimada, xili ay u muuqata inay god dheer ku dhacday, maadama uu mowqif adag iska taagay Madaxweynaha Somaliland.

Muuse Biixi ayaa si cad uga sheegay shirka Jabuuti in marnaba ay ka tanaasuleyn madax banaanida ay ku doodo ee muddo ka badan 29-ka sanno ay u weyday ictiraafka.

Mowqifka Biixi ayaa u muuqda mid sii fogeynaya midow dambe, iyada oo ujeedka rasmiga ah ee Wada-hadaladaasi ay ka leeyihiin beesha caalamku ay tahay midnimo dib u dhalata, sida ay rumeysan-yihiin qaar kamid ah aqoon-yahanka darsa arrimaha siyaasada.

Dowladda Itoobiya ee uu hogaaminayo Abiy ayaa iyadu laftigeedu dadaal dheer ka gashay siday u dhalan laheyd midnimadaasi, iyada oo ugu dambeyntii ay fashil ku dambeeyen qorshayaal la aaminsan yahay inuu ugu xaglinayay dhanka Soomaaliya.

Somaliland ayaa iyadu aaminsan in beesha caalamku ay dhagaha ka fureysanayso inay ictiraafto, iyada oo dhawaana luuqad adag uu kula hadlay Madaxweynaha Somaliland oo isagu dalbaday in si madax-banaan loogala tacaamulo mucaawinooyinka loo soo marinayo dowladda federaalka.