Muxuu ahaa ujeedka kulanka James Swan uu la yeeshay Shariif iyo Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Kulankaas maanta dhex maray James Swan iyo hogaanka Madasha ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, caqabadaha ku hor gudban iyo kaalinta axsaabta dalka ay ku leeyihiin sidi loo qaban lahaa doorasho waqtigeeda ku qabsoonta, taas oo lagu wada qanacsanyahay.

Xubnaha Madasha ee kulanka la qaatay wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa kala ah, guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha Xisbiga UPD, Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Xisbiga Ilays Cabdulqaadir Cosoble Cali.

Kulanka ay mas’uuliyiinta la yeesheen James Swan ayaa imaanaya xilli uu isi-sii tarayo walaaca laga qabo inay madaxda hoggaamisa dowladda federaalka ay dalka gaarsiin waayaan doorasho lagu wada qanacsanyahay, iyadoo uu gabaawsi yahay mudo xileedkooda.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war-saxaafadeed maanta ka soo baxay  waxa ay uga hadleen arrimaha doorashada dalka, waxay ku sheegeen inay walaac badan ka qabaan sababta ay madaxda dowladdu uga cagajiidayaan qabashada doorasho waqtigeeda ku dhacda oo heshiis lagu yahay.

Sidoo kale Madasha ayaa war-saxaafadeedkaas ugu baaqday baarlamaanka in aysan ansixin xeerarkii uu soo gudbiyey guddiga wadajirka ah ee ku saabsan doorashooyinka, si aysan deegaanada dalka ugu horseedin khalalaase iyo deganaansho la’aan, kuwaas oo xalinteedu adkaan doonto, sida lagu yiri qoralka.

Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa sidoo kale qoraalkii maanta ku sheegtay in hoggaanka dowladda federaalka uu ku fashilmay qabashada doorasho qof iyo cod ah, isla markaana loo baahan yahay in laga tashado.