Maxaa laga doonay Jabuuti?

Shirki afarta madaxweyne ee geeska Afrika ay isugu tageen Jabuuti maxaa laga doonay?Waa maxaay sirta qarsoon ee mideysay AFARTA MADAXWEYNE  oo mid waliba ay ka muuqato welwel iyo murugo ku saleysan siduu ku adkey lahaa joogitaankiisa . Mid kasta waxaa ku taagan udun ama cirbad cagta uga taagan ee uusan dhulka si toos ah ugu istaagi karin ilaa uu ka helo xal ama wax ay ka wada tashadaan si loo helo  tab ama xal lagu dheereysan karo muddada xilka, ay qaarkood xooga xaaraanta ah ku heystaan,

Waxaan laga fursan karin ama aan indhaha laga daboolan karin in afartoodaba oo ah Somaliya, Ethiopia, Jabuuti iyo Eritrea ay u dhammaatay muddadi ay meesha joogi lahaayeen, waxayna raadinaayaan sidii ay ku dheereysan lahaayen waqtiga ka dhamanaya. Waxaan ku qiyaasay in xaalkoodu yahay niman god ku jira ooy biyo ku soo shubamayaan, waxaana mid kasta la siiyay koob uu biyaha isaga bixiyo…nasiib darro koobka waa mid dabada ka duleela oon biyo qaadi karin..Biyihi waa soo kordhaayaan mana dhera maalinta ay garqi doonaan.

Wadamada ay ka taliyaan yaa sheegi kara ama sadaali kara xaladda ay ku sugnaan doonaamn!!! Ma daadkaa wada qaadi doona mase qaar ayaa ka badbaadi doona kaddib marka laga takhaluso afartooda ama qaarkood.

Taa waxaa ka daran in Aby Axmad uu ku dhawaaqay inuu rabo gobol furdo leh uu isagu leeyahay kana  dhoofsan karo wuxuu doono sida uu doonana ugu takri fali karo..Madaxda talada haysana ee N&N waxba kama qabaan haddi ay booskooda sii joogayaan..Haddaba, Kenya, si loo shibiyo, ha la siiyo badda batroolka ka buuxo si ay dowladdaan u sii joogto.

Arrinta ama xaalada Somaliya ay ku socoto waa mid aad looga argagaxo waayoo waxaa soo muuqda ifafaalo ummadaan u horseedi kara burbur ka baaxad weyn kii 1991, waxayna aragtidaani ku saleysan tahay in MW Farmaajo uu  ku fikiraayo inuu meesha sii joogo wax kasta oo dhaca. Waana tii Jaalle Siyaad ku burburiyay dalkaan..aryaa u sheega in kuwi ka horeyay isaga oo ahaa MW Sheikh Shariif & MW Xasan Sheikh, iyagoo jecel inay sii joogaan, ayey ka tageen iyagoo muujiyay biseyl siyaasadeed oo ku hogaamiyay inay u turaan dadka iyo dalka…laakin u meleyn maayo inay kooxa N&N ay dareen noocaas ah qabto.

Tallaabooyinkii lagula soo taliyay tafaasiil  badan lagama haayo, waxase taas garab socda dareenka dowlad goboleedyada iyo mowqifka ay qaarkood ka taagan yihiin N&N…mana muuqdo wanaag meeshaas ka soo socoda.

Isku soo wada duub, wixi Jabuuti ka dhacay waxaa  lagala soo bixi karaa ficillada gurracan oo kooxdaan u qarsan, ha ahaato doorashada iyo dareenka ay ka qabaan dadka Xamar ku nool ood moodo inay quus ka taagan yihiin sidey Banaadir u heli lahayd MAQAAMKA  ay xaqa u leedahay.

Haddaba, waxaa iga talo ah inay umadda Somaliyeed ka tashato, Intey goori goor tahay, tallaabooyinki looga hortegi lahaa loona baaji lahaa inuu Farmaajo dalka dumiyo kaddibna iska aado Buffalo (NY) isagoo milioneera.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid