Dood iyo diidmo ka dhalatay qorshaha lagu xawilanayo kuraasta golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii dhawaan la shaaciyey liis ay ku qoranyihiin deegaan doorashooyinka kuraasta xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo uu soo diyaariyey guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, ayaa waxaa soo baxay cabasho la xariirta in liiskaas lagu soo qoray kuraas loo wareejiyey degmooyin aysan deegaan doorashadoodu aheyn.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in illaa afar kursi oo beeshiisu ay leedahay liiskaas loogu soo qoray in laga soo doorto gobol kale.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa shalay ka doodayey xeerka qoondada haweenka, waxuuna Xildhibaan Xasan Yare doodaas kusoo bandhigay cabasho ay beeshiisu qabto, taas oo ah in afar kursi oo haween ay ku metelaan beeshiisa deegaan kale loo wareejiyey.

“Beesha aan metelo kuraastooda baarlamaanka ee dhowr iyo tobanka ah, waxaa ku jirta afar kursi oo dumar ah, afartaas kursi waa la xawilay, oo waxaa loo wareejiyey gobolka kale oo aan laga soo dooran, sida ku qoran liiska uu soo saaray guddiga wadajirka ah,” ayuu yiri xildhibaan Xasan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in kuraasta loo wareejiyey gobolka kale laga doortay degmooyinka Badhaadhe, Xagar iyo Afmadow oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose, balse hadda gobolka kale la geeyey, in kastoo uusan carabaabin gobolkaas loo wareejiyey.

“Kuraastiiba hadii la tahriibinayo oo barakacayaal laga dhigayo, guddoomiye waxaan qabaa in la joojiyo xawilaada kuraasta, beelo ayaa iska lehe, guddiga soo saaray liiskaasna sumcad darro ayey ku tahay, anagana metelaadeena sharaf darey ku tahay” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Xasan ayaa guddoonka golaha shacabka ka dalbaday in laga hor tago liiska la wareejinayo baraha bulshada oo ay cabashada ka yihiin. “Guddigii soo sameeyey liiskaas ee ku tuntay sumcada kuraasta beelaha qaarna, waxaan soo jeedinayaa raali gelin inay bixiyaan” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare).

Halkan ka Daawo