Wararkii ugu dambeeyey dagaal ka dhacay Mudug

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalka oo geystay khasaare kala duwan ayaa ka qarxay deegaanka Deeraley oo ku yaal dhanka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii maleeshiyaadkaasi ay isku qabteen baraag biyood laga sameynayey halkaasi.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay iska hor imaafkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale oo dhamaan ahaa dhinacyadii diriray, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, iyadoona ay  weli is- hor fadhiyaan maleeshiyaadkii dagaalamay.

Mudug ayaa waxaa ku soo laa-laabta dagaal beeleedyo u dhexeeyo maleeshiyaad ku sugan gobolkaasi, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.