Jabhada ‘Xoreynta Awdal’ oo iclaamisay dagaal cusub oo ka dhan ah Somaliland

Boorama (Caasimada Online) ―  Jabhad la magac baxday Xoreynta gobolada Awdal iyo Selel ayaa maanta markii u horeysay la hadashay warbaahinta, tan iyo intii ay Caasimada Online shaacisay jiritaanka Jabhadaasi.

Jabhada ayaa fariimo u dirtay dadka ku dhaqan gobolka Awdal, iyagoona luuqad adag kula hadlay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxayna Jabhadu sheegtay inaysan waxba iska badali dulmigii hore uga taagnaa gudaha Somaliland, isla markaana looga baxay balamihii hore loola galay.

Jabhadan ayaa sidoo kale waxay sheegtay inaysan jirin Somaliland la wada leeyahay, balse ay tahay dowladd Sacad Muuse, oo duudsiisay waxyaabihii ay xaqa u lahaayeen shacabka Awdal.

Waxayna Jabhadu shacabka reer Awdal ugu baaqday inay hubka qaataan oo kala qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah xukuumada Biixi, iyagoona u digay Ajaaniib ay sheegen in ay ku sugan yihiin gudaha gobolka Awdal.

Jabhadan ayaa sidoo kale waxay Mas’uuliyiinta xukuumada Somaliland ugu hanjabtay inay deg deg uga baxaan gobolada Awdal iyo Selel, haddii kale ay arrintaasi kala kulmi doonaan cawaaqib xumo.

Somaliland ayaa waxa sanadihii u dambeeyay ka dilaacay Jabhado badan oo ka soo horjeeda xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo loo aaneynayo tabashooyinka baahsan ee xukuumada Kulmiye iska dhago tirtay.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama